Xisbiga Wadajir oo walaac ka muujiyey Musuqa iyo takrifalka dhaqaalaha dalka ee dowlada ka dhex jira

Wednesday November 07, 2018 - 02:43:36
0 Comments
2800
Super Admin
Xisbiga Wadajir wuxuu walaac wayn ka muujinayaa hufnaanta hay'adaha maaliyadda dalka. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Xisaabiyaha Guud wuxuu cadeyn u yahay Tix: XW/11/2018.
Xisbiga Wadajir wuxuu walaac wayn ka muujinayaa hufnaanta hay’adaha maaliyadda
dalka. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Xisaabiyaha Guud wuxuu cadeyn u yahay xaddiga iyo
baaxadda uu la egyahay ku takrifalka awoodeed ee xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda
maaliyadda iyo faragelinta ba’an ee xukuumaddu ku hayso hay’adaha hufnaan dhawrka
maaliyadeed. Xisaabiyaha Guud wuxuu ka mid yahay hay’adaha hufnaan Ilaalinta
maaliyadeed ee dalka, sidaas darteed waxaa waajib ah in ay madax bannaani buuxda u

helaan gudashada waajibkooda qaran.
Waxaa suurta-gal ah in warbaahinta looga celceliyo in lala dagaalayo musuqmaasuq
shacabkana lagu indha sarcaadiyo xarigga shaqaalaha hoose iyo kuwa aan lahayn awood ay
isku ilaaliyaan; hadana aan wax laga qaban musuqmaasuqa madaxda sare. Madaxbanaani
buuxdana loo diido hay’adaha hufnaan Ilaalinta maaliyadeed sida xisaabiyaha guud iyo
hanti-dhowrka qaranka.
Waxaa lala wada socdaa in hanti-dhawrka qaranka uu haatan hoos tago hay’adda fulinta,
madaxweynahuna uu ka maagaay in uu saxiixo sharcigii madaxbanaannida buuxda siinayey
hanti-dhowrka kaasoo uu baarlamaanka horay u ansixiyey. Madaxwaynaha ayaa sharciga
dib ugu soo celiyey baarlamaanka kaddib markii ay xukuumaddu dalbatay in hanti-dhowrka
la hoos geeyo laanta fulinta, halka uu baarlamaanku dalbanayo in uu Golaha Shacabka
hoos tago, maadaama uu ka mid yahay hay’adaha korjoogtaynta.
Waxaan dhiirragelinaynaa geesinnimada iyo kartida xisaabiyaha guud iyo sida hufnaanta
leh ee ay u ilaalinayso sharciga iyo hantida qaranka. Waxaan madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha ka dalbanaynaa in ay caddeeyaan go’aankooda arrinkan ku aaddan.
Waxaa xusuus mudan in sanadkii 2013-kii inan Soomaaliyeed shaqada uga tagtay
xadgudub kan la mid ah, iyadoo u adkaysan waysay ku takrifal awood iyo faragelin
shaqadeeda la xariira. Waxaa cad in haweenka Soomaaliyeed ay ku dhiirranyihiin ilaalinta
hantida qaranka, ayna mudan yihiin in lagu gacansiiyo.
Mogadishu, Somalia Tar: 06/11/2018
Dhamaad

Leave a comment