Xeerka Anshaxa



1- Xisbiga Wadajir wuxuu u furan yahay muwaadin kasta oo Soomaali ah oo leh hufnaan, aaminsanna mabaadi’da xisbiga.
2- Xubin kasta waa in ay si joogta ah uga qaybqaadataa kulamada Xisbiga.
3- Go’aannada Xisbiga waa in ay yihiin kuwo loo dhan yahay oo isqancin ku dhisan ,haddiise laga fursan waayo waxaa la qaadayaa cod qaadis,
go’aankuna wuxuu ku ansaxayaa cod dheeri hadba intii soo xaadirta.
4- Xubintu waxay xor u tahay soo jeedinta aragtideeda si madax bannaan, u codaynta ra’yigii ay ku qanacdo waxaase waajib ku ah u hogaansanka
ra’yigii loo bato.
5- Xubin kasta waxaa waajib ku ah faafinta mabaadi’da Xisbiga, difaaca
aragtida iyo hiigisiga ummadeed ee Xisbigu u taagan yahay, iyo ka
qaybqaadashada dhammaan hawlaha kala duwan ee Xisbiga.
6- Xubnaha Xisbiga waxaa ka reeban danaysiga gaarka, waxaana waajib ku
ah ilaalinta mabaad’ida Xisbiga.
7- Xubin kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto, loona doorto
mas’uuliyadaha kala duwan ee Xisbiga.
8- Xisbiga wuxuu yeelanayaa kulamo joogta ah hadba sida duruuftu tahay,
xubin kastana wuxuu xaq u leeyahay soo jeedinta ajandaha kulanka.
9- Ajandayaasha iyo go’aanada Xisbiga waa in ay yihiin kuwo beegsanaya
qadiyado (issues) ee aan ashkaas beegsan.
10-Xubin kasta waa in ay ixtiraamtaa ra’yaga ka duwan, tixgelisaana
dareenka ruuxa kale, islamarkaana dhiirra gelisaa kala duwanaanshaha
afkaarta iyo aragtida.
11-Xubin kasta waa in ay isku xilqaantaa horumarinta habsami u socodka
hawlaha iyo xoojinta xiriirka xubnaha Xisbiga
12-Xubin kasta waa in ay bixisaa qaaraanka Xisbiga.