Ku Saabsan Xisbiga Wadajir


 

Aas-aasayaasha Xisbiga Wadajir ee hoos ku xusan ayaa waxa ay muddo usbuuc ah isugu yimaadeen shirweyne eey ku yeesheen Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho laga bilaabo 28 May - 5 June, 2016 ayaa aad loo falanqeeyey xaaladda adag ee maanta dalka uu marayo, hiigsiga 2016 iyo ka baaraandegidda aayaha 4 ta sano ee xigta oo ku eg illaa iyo 2020 ga.

Aas-aasayaashu waxa ay isla garteen in uu dalka galay waji cusub oo siyaasadeed kadib ansixintii dastuurkii 2012ka, hirgelinta qabyada ah ee hannaanka federaalka ee dalku uu qaatay iyo ansixintii barlamanka ee sharciga nidaamka axsaabta badan.

Aas-aasayaasha xisbiga oo dhamaantood hormuud ka ah saaxada siyaasadda ee maanta, waxna kasoo dhiraandhiriyey guulaha hirgalay ayaa hoosta ka xariiqay in sidoo kale maamuladdii horay usoo jiray eey ku fashilmeen in laga baxo nidaamka guracan ee 4.5, lana aado doorasho qof iyo cod ah.

Haddaba si fursadii dhuntay 2012 - 2016 aysan mar kale uga dhumin shacabka Soomaaliyeed ayay waxay aasaasayaashu garwaaqsadeen iney si wadajir ah uga qeybgalaan saaxada siyaasadda, go'aansadeenna iney aasaasaan Xisbi ay ugu magac bixiyeen "Xisbiga Wadajir"