Ujeedooyinka Xisbiga

  • U hawlgalka Sugida amniga iyo xasiloonida muwaadinka Soomaaliyeed iyo soo celinta nidaamkii iyo kala danbayntii.
  • U hawlgalka dhismaha ciidan qaran oo ilaaliya Dastuurka dalka iyo madaxbanaanimada qaranka.
  • Hirgelinta nidaamka federaalka si waafaqsan Dastuurka KMG ah kuna jirto danta ummada iyo tan dalka. Xoojinta iyo tayaynta gun ka dhisidda maamulladda heer Federaal, Gobol iyo Degmo. 
  • Dib u habaynta nidaamka siyaasiga iyo u howlgalka sidii loo heli lahaa hanaan siyaasadeed oo xisbiyo ku dhisan lehna sharciyad iyo metelaad.
  • Dhismaha hay’adaha maamulka dawliga ah gaar ahaan kuwa maaliyadda iyo maamulka guud.
  • Xoojinta dib u heshiisiinta iyo la dagalaanka afkaarta guracan ee xagjirnimada iyo xoog wax ku doonka.
  • Meelmarinta siyaasad dibaadeed ku dhisan hirgelint danta qaran, u hawlgalka xasiloonida gobolka iyo mushkilad la’aan deriska ah (zero problem with the neighbours).
  • Fududaynta gargaarka Bani’aadanimo dib u dejinta barakacayaasha iyo maaraynta kaalmooyinka dhaqaale si u adeegaysa danta dadlka iyo dadka.