Xubinimada Xisbiga

Xubinimada Xisbigu waa shaqsi umana gudbi karto cidkale lamana kala dhaxli karo waxayna u furantahay qofkasta oo soomaali ah oo buuxiya shuruudaha ku qoran qodobka 7aad ee Xeerka Xisbiga.

Shuruudaha Xubinimada

Qof kasta oo Soomaali ah oo buuxiya shuruudaha hoos ku qoran wuxuu ka mid noqon karaa xisbigan:
  1. Inuu ahaado Soomali isla markaana aaminsan Midnimada, Madaxbanaanidda iyo Wadajirka Soomaaliya.
  2. In aanay da’diisu ka yarayn 18 sano
  3. Inuu caqli ahaan fayowyahay oo uu awood buuxda u leeyahay gudashada xilkiisa xubinimo.
  4. Inuu ogol yahay xeerarka iyo barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga.
  5. Inuu yahay qof ku sifooba akhlaaq wanaag iyo dhaqan asluub leh islamarkaana xubnaha kale ee xisbiga iyo dadka kaleba la yeelan kara xidhiid fiican.
  6. Inaan maxakamidi hore ugu xukumin danbiyada lidka ku ah qaranimada iyo jiritaanka dawladnimo.
  7. Inuu bixiyaa qaaraanka Xisbiga oo bilkasta ah xadiga kolba ay goaamiyaan gudida fulinta xisbiga.
  8. In aanu xubin ka ahayn xisbi/urur siyaasadeed kale.
  9. In uu faafiyo barnaamijka Xisbiga una istaago gudashada xilka iyo waajibaadka xubinimo.

Xuquuqda Xubnaha

Xubin kasta oo ka mid ah xisbiga wuxuu xeerkani si buuxda ugu damaanad qaadayaa inu helo xuquuqdan hoos ku qoran:

  1. In la dooran karo waxna dooran karo, iyadoo la raacayo xeerka xisbiga loona magacaabi karo xilal xisbiga gudihiisa.
  2. Inuu ka qayb qaadan karo hawlaha xisbiga iyo doodaha lagaga hadlayo arimaha xisbiga, waxaanu soo jeedin karaa talooyin khuseeya hawlaha iyo waxqabdka xisbiga.
  3. Inuu si xor ah u soo ban dhigi karo aragtidiisa soona jeedin karo talooyin ama dhaliilo la xiriira hawlaha xisbiga.
  4. Inuu si xor ah uga bixi karo xisbiga isaga oo sheegaya sababta uu uga baxay xisbiga hase yeeshee wax lacag ah looma celinayo.
  5. Xubin waliba waa inay heshaa aqoonsi xubinimo.
  6. Xubinta doonaysa in ay iska casisho xilka xisbiga
    a)Waa in xubintu usoo gudbisaa arji is casilaad ah laantu ka tirsanaa.
    b)Waa in xisbigu ka aqbalaa ama ka diidaa 14 maalmood gudahood is casilaada xubinta
  7. Xubinta u diwaangashan xisbigu kama wada tirsanaan karto laba xisbi ama urur siyaasadeed isla marka kaliya.

Waajibaadka Xubnaha

Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha Xisbiga waxa ku waajib ah:

  1. Inuu u hogaansamo xeerka iyo go’aamada ka soo baxa masuuliyiinta xisbiga heer kastaba ha ahaadee.
  2. Inuu barnaamijka siyaasadeed iyo hawlaha xisbiga u fuliso si daacadnimo ah.
  3. Inuu ka qayb qaato hirgalinta barnaamijka xisbiga, adeega, horumarinta bulshadiisa iyo abaabulka ummadiisa.
  4. Inuu ilaaliyo sirta, hantida iyo sumcada xisbiga.
  5. Inuu ummadiisa ku abuuro ama ku abaabulo dareen wadaninimo.
  6. Inuu xog ogaal u noqdo xaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee wadanka.
  7. Inuu ka hortago wixii iska hor imaad bulsho abuuraya sida kala sooc iyo qaraabo kiil.
  8. Inuu soo bandhigo wixii tabosha ah xisbiga gudihiisa laakiin ayna banaanayn inuu banaanka usaaro.


Waayida Xubinimada

  1. Xubinimad xisbiga waxaa lagu waayi karaa arimahan soo socda:
  2. Hadii qofku iskii iskaga casilo xubinimada xisbiga sida ku xusan qodobka 6aad ee xisbiga.
  3. Hadii geeri ku timaado iyadoo aanay dhaxaltooyo noqonayn xubinnimadu.
  4. Hadii lacadeeyo inuu ka horyimi xeerka iyo barnaamijka xisbiga, go’aamada gudiyada xisbiga heer kastaba. Go’aankaas lagu eryaayo waxaa soo jeedinaya gudiyada laamaha, iyaga oo soo raacinaya warbixin arrintiisa la xidhiidha, iyagoo usoo gudbinaaya gudigga anshaxa.
  5. Hadii qofku xilkiisa gudanwaayo caafimaad ahaan.
  6. Hadii ay xubintu samaysato, ku biirto ama u olalayso urur siyaasadeed kale