Xisbiga Wadajir oo dib u bilaabay ololaha doorashada(Masawirro)

Wednesday August 18, 2021 - 22:19:13
0 Comments
1126
Super Admin
Xisbiga Wadajir ayaa dib u bilaabay ololaha doorashada iyadoo xisbigu dib ugu dhejiyey Boorar jidadka waaweeyn iyo isgooysyada magaalada muqdisho. Boorarka hogaamiyaha xisbiga Wadajir ahna murashax Madaxweeyne Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weeyn loogu arkayaa waddooyinka caasimadda iyo goobo ka tirsan gobolada dalka intaba. Boorarka mudane Cabdishakuur ayaa horay xisbigu uga fujiyey jidadka caasimadda kagadaal markii arrimaha doorashada uu diiday madaxweeynaha waqtigiiisu dhammaaday mr Farmaajo. Farmaajo ayaa isku deyey inuu si qasab ah ugu darsado muddo 2 sano ah taasoo dhalisay in ciidamadda dalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasaddu aad uga horyimaadaan isla markaana ciidanku soo galaan caasimada Muqdisho.
Farmaajo ayaa lagu qasbay in uu ka laabto ku darsashadii sharci darrada aheeyd taasoo dhalisay in lagu heshiiyo xiliga iyo qaabka loo qabanayo doorasho loo dhanyahay dibna loo bilaabo ololaha doorashada murashaxiinta u taagan xilka madaxweeynenimo ee Soomaaliya.


Xisbiga wadajir iyo hogaamiyihiisa Cabdishakuur ayaa ah kuwa ugu cadcad doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee sanadka 2021 iyadoo si weeyn loo qiyaasayo inuu kusoo bixi doono mudane Cabdishakuur madaxweeynaha 10 aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.


Leave a comment