Masuuliyiin ka socday Xisbiga Wadajir ayaa wada hadallo miradhal ah la yeeshay madax ka tirsan dalka aan walaalaha nahay ee Masar

Tuesday April 02, 2019 - 01:37:09
0 Comments
2285
Super Admin
Wafdi ka tirsan Xisbiga Wadajir oo uu hogaaminayo Murashaxa madaxweeyne ee Xisbiga ayaa wada hadalo la yeeshay madax ka tirsan dalka Masar. Wafdigaan uu hoggaaminayey Murashaxa xisbiga ee doorashada Madaxweeynenimo ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame ayaa soo gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar dhamaadkii todobaadkaan aan ku jirno. Xubnaha wafdiga oo isugu jira masuuliyiin kala duwan ee Xisbiga ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Kamaal Guutaale iyo Hoggaamiyaha Xisbiga isla markaana ah murashaxa rasmiga ah ee xisbiga Mudane Cabdishakuur.

Wafdiga xisbiga wadajir oo si heersare ah loogu soo dhoweeyey magaalada Qaahira ayaa isla maantaba la kulmay Wasiir ku xigeenka ahna kaaliyaha Wasiirka arrimaha dibada ee Africa u qaabilsan dalka Masar. labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka u dhexeeya dalalka Masar iyo Soomaaliya iyo sidii wax  loo wada qabsan lahaa.
Wafdiga Xisbiga wadajir ayaa sidoo kale wasiirka kala hadlay sidii loo xoojin lahaa kaalinta Masar ku leedahay geeska Africa iyadoo la marayo xili isbedelo xoogan eey ka socdaan Gobolka Geeska Africa iyo dunida guud ahaan. dalka Masar ayaa saaxiibtinimo kaalin aad u xoogan oo soojireen ah la lahaa dalka Soomaaliya, labada dhinac ayaa aad isugu afgartay in la xoojiyo wadahadalada iyadoo lagu balamay kulamo kale oo dheeraad ah.






Leave a comment