Shirka golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyin ka oo Magaalada Muqdisho ka furmaya.

Friday May 21, 2021 - 00:16:29
0 Comments
1499
Super Admin
Maalinnimada Sabtida ah ee 22 ka bisha May ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada muqdisho shirka Wadatashiga doorashada dalka ee u dhexeeya madaxda soomaalida si loo gaaro heshiis loo dhanyahay oo ku aadan doorashada dalka. Shirkaan oo uu ku baaqay Raisulwasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee dowlada Soomaaliya ayaa imaanaya kadib markii muddo dheer la isku mari waayey arrimaha doorashada iyo cidda maareeyneeysa. Sidoo kale waxaa horay loogu heshiin waayey shirar dhoowr ah oo ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo weliba magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. 
Isfaham waagii shirarkii hore ayaa keenay in Madaxweeynaha taladu ka dhammaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay ku darsasho 2 sano oo aan sharciyad heeysan taas oo dhalisay in Ciidanku si weeyn uga horyimaadaan dalabkaas isla markaana eey soo galaaan magaalada Muqdisho. Ku darsahadaas aan sharciga ku dhisneeyn ayaa waxaa sidoo kale si weeyn uga horyimid siyaasiyiinta soomaalida intooda badan, beesha caalamka iyo cid waliba oo arrimaha soomaaliya daneeyneeysa.


cadaadis uga yimid Ciidamada qalabka sida iyo siyaasiyiinta oo eey hogaaminayaan Murashaxiinta xilka madaxweeyne iyo weliba golaha Badbaado qaran  ayaa ku qasabtay ugu danbeeys in Farmaajo ka laabto goaankii qar-iska xoornimada ahaa ee keenay qalalaasaha siyaasadeed taasoo u gogol xaartay in talada lagu wareejiyo Xukuumadda xilgaarsiinta dalka uu hoggaamiyo Rooble. 
Raisulwasaare Rooble ayaa dhowaan la wareegay Amniga qaranka guud ahaan iyo kan doorashada gaar ahaan taasoo la doonayo in xukuumaddiisu sii waddo arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dalku uga gudbo ismariwaaga siyasadeed kadib markii xiligii farmaajo uu ku dhammaaday isagoo ku guuldarreeystay inuu dalka doorasho gaarsiiyo.

Leave a comment