War saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir.

Sunday September 02, 2018 - 19:39:33
1 Comments
2569
Super Admin
File Attachment
Size: 117 KB
loogada Xisbiga Wadajir
Xisbiga Wadajir ayaa War saxaafadeed kasoo saaray Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, war saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan hoose.

Tix: XW/10/2018

Tar: 02/09/2018

WARSAXAAFADEED .

INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Xisbiga Wadajir wuxuu tacsi u dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ay maanta argagixisadu ku beegsatay degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho. Waxaan alle uga baryaynaa in uu danbi dhaaf iyo naxariistiisa huwiyo intii ku dhimatay, sabir iyo iimaanna ka siiyo eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii ay ka baxeen. Sidoo kale waxaan Ilaaheey uga baryaynaa in uu caafimaad iyo sookabasho siiyo intii weerarka ku dhaawacantay.

Beegsiga arday dugsi quraan dhiganaysa waxay muujinaysaa arxan la’aanta iyo damiir xumida kuwa weerarka soo qaaday. Caqli gal maaha in gumaadka shacabka guul lagu gaaro.

Xisbigu wuxuu aad uga walwalsanyahay dayaca dhinaca aminga, iyadoo ay argagixisadu si xoriyad leh deegaanno badan oo Caasimada ka mid ah uga hawlgalaan, wuxuu kaloo Xisbigu walaac ka qabaa dib u soo noqoshada isbaarooyinkii dadka lacagta lagaga qaadi jiray taasoo niyad jab ku ridaysa Shacabka, keeni kartana in ay argagixisada u nuglaadaan.

Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda in ay xil iska saarto mudnaantana siiso amniga iyo ilaalinta nabadgelyada shacabka. Shacabka Soomaaliyedna waa in ay meel uga soo wada jeestaan argagixisada iyo kuwa ka soo horjeeda jiritaankooda ummadnimo.

Xafiiska Warbaahinta ee Xisbiga Wadajir

Mogadishu, Somalia

2 September 2018



Leave a comment