Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir oo bilaabaya safarro gudaha dalka ah.

Thursday August 30, 2018 - 02:36:23
0 Comments
1651
Super Admin
Hoggaamiyaha Xisbiga Cabdishakuur.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada Nairobi ka sheegay inuu soo gebagebeeyey safarro uu ku maray dalal badan oo dunida ka mid ah kuwaas oo si weeyn loogu soo dhoweeyey.

Mudane Cabdishakuur ayaa safar qaatay muddo afar bilood ah ku kala bixiyey dalalka Ingiriiska,Sweden,South Africa,Norway,Mareeykanka iyo kanada halkaas oo si weeyn eey ugu soo bexeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi, " si aad u weeyn ayeey iisoo dhoweeyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dhammaan dalalka aan soo maray iyagoo iiga tacsiyeeyey dhibaatadii lagu sameeyey gurigeeyga iigana garaabay runtii” ayuu yiri Cabdishakuur oo aad ugu mahadnaqay shacabka sida weeyn u dhiirigeliyey uguna booriyey inuu horay u socdo marnana uusan ku mashquulin wixii lagula kacay. 

Shacabka ayaa aad ugu amaanay mudane Cabdishakuur sida niyad samida leh ee uu ugu samray dhibkii loo geeystay isagoo weliba ku baaqay iscafis iyo in horay loo socdo oo danta guud laga wada shaqeeyo.

Mudane Cabdishakuur ayaa carabka ku adkeeyey inuu soo geba gebeeyey safarkiisii Soomaalida Qurbaha isla markaana uu dhowaan bilaabayo safar uu kula hadlayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka. Maruu arintaasi ka hadlayeyna waxa uu yiri”Waxaan soo gebagebeeyey safarkii iyo kulamadii aan la qaatay Soomaalida Qurbaha waxaanan si weeyn ugu mahad celinayaa Jaaliyadaha soomaaliyeed ee London,Johansberg,Gotenburge,Oslo,Stochholm,Menniapolis,Virginia,Rochester iyo Toronto sida qiimaha iyo qadarinta leh oo eey isoo dhoweeyeen”. Sidoo kale wuxuu sheegay mr Cabdishakuur inuu si gaar ah ugu mahad naqaayo Jaaliyadaha kulamada iyo martiqaadyada gaarka ah u sameeyey, dadka sida gaarka isaga xilsaaray iyo dhammaan intii toos iyo si dadbanba ugu dhiirigelisay socodkiisa.

Mar uu ka hadlayey qorshihiisa gudaha dalka ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur " waxaan safar ku tegayaa gobolada dalka hadba intii duruuftu ii saamaxdo waxaanan rajeeynayaa in shacabka guduhu ii soo dhoweeyaan mid la mid ah soo dhowoeeyntii qurba joogta”

Cabdishakuur ayaa soo dhoweeyn balaaran iyo garab istaag ka helay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha oo aad uga xumaaday weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday gurigiisa iyo weliba ishortaagii lagu sameeyey dalka kenya oo shacab soomaaliyeed eey soo dhoweeyn u sameeyeen.

 



Leave a comment